Francis Coquelin ayaa raaligelin ka siiyay taageerayaasha Arsenal ka dib markii loo taagay casaan kulankii 2-2 ay la galeen Tottenham.
Coquelin ayaa casaan qaatay kadib markii Aaron Ramsey Gunners hogaanka uu u dhiibaty ciyaartii garoonka White Hart Lane.
Tottenham ayaase ka jawaabay goolkaasi kadib casaankii xiddigan, Toby Alderweireld iyo Harry Kane ayaana hogaanka u dhiibay kooxdooda, ka hor inta Alexis Sanchez hal dhibic kooxdiisa usoo sahlin 14 daqiiqo ka hor dhamadkii ciyaarta.
Coquelin ayaa qirtay inuu kooxdiisa uu ku faraxsan yahay in ay heshay hal dhibic,lakiin waxa uu sheegay inuu ka xun yahay kaarkii uu qaatay ciyaarta.
” run ahaantii ma arkin goolasha ciyaarta, wayo waxaan kujiray qolka labiska, laakiin qof ayaa dareemayay farxada garoonka ayuu u sheegay website-ka rasmiga ee Arsenal.
“Ma aanan rabin inaan kaarkaasi qaato, wayao ciyaarta waxay aheyd 1-0 , waxaan ku fakirayay kaliya inaan sameeyo badbaadin tasoo ugu dambeyn aan ku qaatay casaan , waa wax aan ka xumahay oo aan ka raali gelinayo taageerayaasha ayuu yiri Francis Coquelin.