Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen dadka degaanka labo ruux ayaa ku dhaawacantay Qarax Miino oo ka dhacay Xaafadda Labo dhagax ee degmada Wartanabadda.
Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow Maqaayadda Alnasi.
Qaraxa waxaa la galiyay meel darbi ah oo fadhiistaan dad Shacab ah.
Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay.



