Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada Soomaaliya ayaa markale maanta u fariisatay racfaan ay qaateen ilaa lix ruux oo lagu eedeeyay dilka wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo dhamaadkii sanadkii 2015 ka dhacay magaalada Muqdisho.
Maxkamada ayaa markale xukun iskugu jira dil iyo xabsi daa’in ku riday shaqsiyaadka lagu eedeeyay iney ka dambeeyeen dilka wariye Hindiya.
Ggudoomiyaha maxkamada ciidamada Qalabka sida Liibaan Cali Yarow ayaa warbaahinta u aqriyay go’aanka maxkamada ay qaadatay.
Hadaba Maxkamada sare ee dalka oo maanta u fariisatay Xukunka lixdaan ruux, kadib markii ay Racfaan ka qaateen xukunkii hore ayaa maxkamada sare raggan waxa ay u kala xukuntay sidan.
1: C/risaaq Maxamed Barow Cadow 28 jir ina Saynab Maxamed Maxamuud ku dhashay Xamar, waxaa lagu xukumay dil toogasho ah
2:Xasan Nuur Cali Faarax 37 jir ah Ina Faadumo Xasan ku dhashay Xamar, waxaa lagu xukumay dil toogasho ah.
3: Macalin Maxamed Abuukar Cali 42 jir Ina Faadumo Cabdulle ku dhashay Shabeellaha Dhexe , waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in.
4: Macalin Maxamed Sheekh Yuusuf Wardheere 56 jir ah Ina Awliyo Xasan ku dhashay Mudug, waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in.
5: Muxudiin Cismaan Maxamed Cawaale 22 jir ah Ina Nasro Xaaji Shidane ku dhashay Xamar, waxaa lagu xukumay 15 sano xabsi ah.
6: Cali Xasan Aadan 40 jir ah Ina Aamina Rooble Jinoow ku dhashay Ethiopia, waxaa lagu xukumay 15 Sano xabsi ah.
Xukunkaan sidan u dhacay waxaa maanta ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamada sare ee ciidamada Qalabka Sida Liibaan Cali Yarow.


