DHAGEYSO: Shil khasaare badan geystay oo ka dhacay Shabeelaha Dhexe

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii Shil gaari uu ka dhacay duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Labo gaari oo mid uu yahay Dayno,midna yahay Caasi ayaa isku dhacay.

Dadka dhintay ayaa la sheegay in ay saarnaayeen Gaariga caasiga ah.

Mid ka mid ah dadka degaanka ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in dadkii dhaawacyadda ahaa loo soo qaaday degmada Mahadaay.

Maamulka degmada Mahadaay ayaa la sheegay in a ku baxeen goobta ay wax ka dhaceen.