DHAGEYSO: R.W kheyre oo Shaaciyay in lala xisaabtamayo Ganacsatada

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Ganacsatadda Soomaaliyeed meelwalba oo ay jooggaan u sheegay in ay u diyaar garoobaan la xisaabtanka dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu tilmaamay Ra’iisul Wasaare Kheyre in Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ay doonayaan in lala xisaabtamo ,islamarkaana ay ku dadaali doonaan sidii iyaguna ay dadka ula xisaabtami lahaayeen.

Mudane Kheyre ayaa sidoo kale Ganacsatadda Soomaaliyeed uga mahadceliyay dadaalada ay ka wadaan dalka ee ku aadan dib u dhiska.

Ugu dambeyntii waxaa uu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan dowladda si loo ilaaliyo hantidooda.