Baydhabo-RisaalaFM- Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo ka bilowday dhageysiga dacwada loo heysto Rag ka tirsan Al-Shabaab oo dil ka geystay magaaladaasi.
Sidoo kale Maxkamada ayaa Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ka bilowday dhageysiga kiisas kale oo maanta Maxkamada la horkeenay.
Kiisaska dhageysigooda maanta la bilaabay waxaa ka mid ah 3 nin oo Al-Shabaab ka tirsanaa oo 3 Habeen ka hor Magaalada Baydhabo ku dilay nin Nabadoon ah ku dhex dilay Magaalada Baydhabo.
Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa sheegay in maanta ay bilaabeen dhageysiga dacwada Kiisaskaas.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay inta ay ku sugan yihiin Magaalada Baydhabo ay koormeerayaan Xarumaha Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda.
Shalay ayay ahayd markii Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xukun dil ah magaalada Muqdisho kula riday ninkii ka dambeeyay dilkii Wasiirkii Howlaha guud iyo dib u dhiska ee Xukuumada Soomaaliya.



