Dhageyso:-Hanti Dhowraha Qaranka oo soo bandhigay baaris ay ku sameeyeen Hay’adaha Dowladda

Hanti dhowraha Guud ee Qaranka  Maxamed Maxamuud Cali ayaa sheegay in sanadkii 2018-kii baaris ay kusameeyeen 25 hay’adood oo Shan kamid ah ay ahaayeen kuwa amniga ay ku heleen in aysan dhamaan tood sameyn warbixin xisaabeedka sanadka oo waajib ku ahayd.

Waxa uu sheegay hanti dhawraha in 2018 uu xisaab xirka sanadka uu si guud u diyaariyay xafiiska xisaabiyaha guud ee qaranka .

Hadalkiisa waxaa uu intaasi ku daray in baaris  uu kusameeyo sanad walba xafiisyadda dowladda ee kala duwan,iyaga oo ka eegaya dhinacyada maaliyadda iyo  hoggaan sanaanta sharuucda maai yadeed ee dalka.