DHAGEYSO: Golaha Wasiirada oo Shir deg deg ah yeelanaya

Golaha Wasiirada dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay maanta ay yeeshaan kulan deg deg ah oo looga hadlaayo abaaraha ka jira Soomaaliya.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in golaha Wasiirada ay yeelan doonaan kulan aan caadi aheyn oo looga hadlaayo sidoo loo badbaadin lahaa dadka Soomaaliyeed ku dhibaateysan gobolada dalka .

Waxaa uu sheegay in Beesha Caalamka ay diyaariyeen lacago loogu tala galay dadka ay saameeyeen abaaraha.

Qaramada Midoobey ayaa ugu deeqday dadka ay saameeyeen abaaraha lacag dhan 16 Milyan sida uu sheegay Carte.