DHAGEYSO: Arday tiro badan oo ka qalin jabisey jaamacada Islaamiya

Ku dhawaad 250 arday oo dhameysatay Waxbarasho Jaamacadeed ee heerarka koowaad iyo labaad ee Jaamacadda Islaamiya ayaa maanta xaflad qalin jabin ah loogu sameeyay Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda Qalin jabinta ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin kala duwan, qaar kamid ah madaxda Jaamacadaha ku yaalla Muqdisho, waalidiinta dhalay ardayda qalin jabineysay , iyo marti sharaf kale.

Madaxa arrimaha Ardayda Jaamacada Islaamiya Maxamed Axmed Cawaale (Tarbiic ) oo la hadlay Warbaahinta, ayaa wuxuu sheegay ardayda qalin jabisay inay ahaayeen kuwa soo maray heerar kala duwan oo nidaam Waxbarasho tayeysan ah, islamarkaana Jaamacadda ay ku soo dadaashay soo saarista ardayda maanta qalin jabisay.

Halkaan hoose ka dhageyso warbixin Wariyaha Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho Cali Xasan Cali uu inooga diyaariyay warkaan.