Qarax khasaare geystay oo ka dhacay degmada Wanlaweyn

Wanlaweyn-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa qarax Miino oo galabta ka dhacay degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan Aargada Muuri.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen Ciidamo ka tirsan Millitariga Soomaaliya, waxaana qaraxa uu dhacay waxyar kahor markii uu gudbay gaariga.

Goobta qaraxa uu ka dhacay oo ah Aargada Muuri ee degmada Wanlaweyn ayaa waxa ay tahay goob aad u mashquul badan, waxaana halkaasi lagu iibiyaa Qaadka, sidoo kale waxaa ku yaalla goobo ganacsi.

Ilo xog ogaal ah oo dhinaca Millitariga ah ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in qaraxan ay ku dhinteen dad ka badan Shan qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxan oo u badnaa shacab ayaa dhaawacooda waxaa loo soo qaaday Isbitaalada Magaalada Muqdisho, si xaaladooda caafimaad loola tacaalo.

Masuuliyiinta degmada oo uu ugu horeeyo Guddoomiye kuxigeenka degmada Wanlaweyn iyo saraakiil Ciidan ayaa tagay goobta, waxaana socda baaritaanada la xiriira qaraxan iyo sidii looga daba tagi lahaa raggii falkan ka dambeeyay.