Darawal Mooto Bajaaj oo lagu dilay Muqdisho

Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho

Wararka ay heleyso Idaacadda Risaala  ee Magalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in agagaarka Isgoyska Taleex ee degmada Hodan lagu dilay Darawal Mooto Bajaaj.

Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa goobjoogayaal sheegeen in uu darawalka Mooto Bajaajlaha ahaa uu dhowr xabadooda kaga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in askariga dilka geystay uu baxsaday.

Sidoo kale waxaa la sheegay in dilka ka hor askariga iyo darawalka Mooto bajaajlaha uu muran dhexmaray wallow weli sirasmi ah loo helin sababta keentay khilaafka.

Hayeeshee waxaa xusid mudan in Maanta inta badan wadooyinka Waaweyn ee Magaalada Muqdisho ay wada xiran yihiim, maadaama Muqdisho uu booqasho ku joogo Madaxweynaha dalka Jabuuti.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa tegay goobta, iyaga oo meesha ka qaaday meydka Darawalka Mooto bajaajlaha ahaa.

Magalada Muqdisho ayaa labadii sano ee la soo dhaafay waxaa kusoo badanayay dilalka ay askarta dowladda u geysanayaan darawalada Mooto bajaajta, iyada oo aan weli maxkamad lasoo taagain askari dilay Mooto bajaajle.