DAAWO:- Maamulka Hir-Shabeelle oo dacwo ka ah dowladda Soomaaliya

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan Nuur Dheere oo goob fagaare ah kala hadlaayay qeybaha kala duwan ee bulshada degmada ayaa shaaca ka qaaday in degmada ay tahay mid dayacan oo aanan helin adeegyadi aas aasiga u ahaa bulshada reer Jalalaqsi

Guddoomiye Nuur Dheere ayaa codsaday dowladda Fedaraalka Soomaaliya in degmada Jalalaqsi ay soo gaarsiiso xaquuqda dadka ku nool degmada ay ku leeyihiin dowladda Soomaaliya iyo tan maamulka Hirshabeelle.

Wuxuu sidoo kale sheegay in degmada ay la dayacan tahay oo aysan heysan Saldhiga dowladda, xarumo Caafimaad iyo Waxbarasho, isagoona xusay in dadka degmada ay yihiin kuwa jecel dowladnimadda oo ka qeyb qaatay xureynta kooxda Al-shabaab.

Halkan ka Dhageyso hadalka Guddoomiyaha degmada Jalalaq