Ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa soo qabtay koox burcad ah wadatay dareeska ciidamada dawlada.
“Howlgal ay Sameeyeen Ciidanka Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir Gaar ahaan Saldhigga Boliiska Degmada Dharkeynley ayaa lagu soo qabtey sadaxda eedeysane oo dhac u geystay muwaadiniin degan Degmada Dherkeynley” ayaa lagu yiri war kooban oo ka soo baxay Booliska.
Soo qabashada raggan ayaaka dambeeysay markii baraha bushada lagu baahiyey muuqaal laga duubay oo cadeynaya iyagoo dhac iyo baarasho kula kacaya dad la socday mooto bajaaj ay ku qabteen meel xaafad ah ayaa lagu yiti qoraalka ka soo baxay Taliska iidanka Booliska.