Cabsi badan oo soo wajahday Ciyaaryahan Harry Kane

Harry Kane ayaa England siiyay cabsi weyn oo dhaawac ah ka hor kulanka Wembley ay Axada kula ciyaarayaan Belgium.

Weeraryahanka Tottenham ayaa shaki uu ku jiraa inuu ciyaaro kulanka UEFA Nations League ka dib markii uu ka cawday dhibaato muruq ah dhamaadka tababarkii Sabtida.

Waxaa la fahansan yahay in kabtanka England uu la sii joogay kooxda Gareth Southgate – in kasta oo codsi ka yimid Spurs ahaa inuu kooxda kusoo laabto si loogu daaweeyo.

Kane, oo 27 jir ah, ayaa dhaawac culus ka soo gaaray muruqa bishii Janaayo taas oo shaki gelin lahayd ka qayb qaadashadiisa Euro 2020 haddii dhibaatada coronavirus aysan ku qasbi laheyn UEFA inay dib u dhigto tartanka muddo 12 bilood ah.

Waxa uu nastay ciyaartii saaxiibtinimo ee habeenimadii Khamiista 3-0 kaga badiyeen xulkiisa qaranka Wales.

Laakiin Southgate ayaa doonayay in weeraryahankiisa 1-aad uu hogaamiyo weerarkiisa ka dhanka ah xulalka sarsare ee Belgium iyo Denmark.

Kane ayaa dhaliyay 32 gool kaliya 47 kulan oo uu u ciyaaray xulkiisa.

Xiddiga Everton Dominic Calvert-Lewin ayaa kulankiisii ugu horeeyay ku calaamadeeyay gool markii uu wajahay Wales waxaana la filayaa inuu bedelo Kane hadii uu ku guuldareysto inuu soo kabsado.

Southgate ayaa amaan buuxda u muujiyay ninkii hore ee Sheffield United ka dib markii uu qaab ciyaareedkiisii fiicnaa ee Premier League la soo baxay kulankii heer caalami ee Khamiistii.

“Runtii wuu fiicnaa, wuxuu lahaa joogitaan aad uwanaagsan, orodkiisuna wuxuu ahaa khatar, wuxuu sifiican u cadaadiyay daafaca, hadafkiisana sifiican ayuu uqaatay,” Tababaraha Saddexda Libaax ayaa usheegay ITV.

Waxaan u maleynayaa inuu runtii ku farxay doorkiisa. Waxaan u maleynayaa inuu ku jiro qaab qaab ciyaareed wanaagsan. Waa weeraryahan dhan walba ah ka fiican.