Cabdi Maxamuud Cumar oo maanta maxkamad mar kale la hor geynayo

Saacaddaha soo socda ee  maanta ayaa lagu waddaa in maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa markii shanaad lasoo taago  madaxweynihii hore ee dawlad deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar.

Maxkamadda ayaa lagu waddaa in ay maanta go’aan ka gaarto Xukunka lagu ridaayo Cabdi Maxamuud Cumar oo horay loogu eedeeyay in uu geystay dhibaato badan oo ay ku horreeyaan in uu laayay dad Shacab ah.

Maanta oo ay ka duwan tahay meelihii hore qaabka dacwad qaadidda, ayadoo ay dhegeysiga kiiska ku lug yeelanayaan xeer ilaalinta, iyo xubno ka socda wasaaradda cadaaladda oo aan maxkamadihii hore ku lug lahayn.

Waxaa kale oo iyagana soo baxay warar ku saabsan in markhaatiyaal la horgeyn doono markii ugu horraysay maxkamadda, halka qaar kalena “ay diideen inay maxkamadda horteeda ku marag furaan Cabdi Maxamuud Cumar”.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa xukunka ka degey horraantii bishii Agoosto, ka dib markii rabshado ka dhacay magaalada Jigjiga ay ku fideen deegaanno kale oo ka tirsan gobollada Bariga Itoobiya.