Mario Gotze ayaa wadahadalo qarsoon waxa uu la qaatay kooxda Borussia Dortmund si uu ugu soo laabto kooxdiisii hore, sida ay sheegayaan wararka.
Mustaqbalka xiddiga Jarmalka ee Bayern Munich waxaa loo malaynayaa in shaki weyn uu kujiro ka dib markii uu boos ka waayay kooxda kowaad ee Pep Guardiola xilli ciyaredkaan.
Liverpool ayaa dooneysa inay isaga Anfield keento si u la mataneyso markale Jurgen Klopp oo jecel style uu ku ciyaaro xiddigan.
Express Sport ayaa fahamsan in Gotze isha uu ku hayo Klopp tababaraha ayaana kalsooni ku qabo inuu kulasoo wareego 15 £ milyan ilaa £ 20 m.
Qoraalkan wargeyska Jarmal ee Abendzeitung uu baahiyay waxa uu ku sheegay in Götze uu wadahadalo la qaatay kooxdiisii hore, iyadoo tababaraha Dortmund Thomas Tuchel uu doonayo inuu dib usoo celiyo xididgan.
Gotze ayaa afar sano ka hor Klopp ay kawada shaqeynayeen kooxda Dortmund ka hor inta uusan u dhaqaaqin kooxda ay xafiiltamaan ee Bayern sanadkii 2013.


