Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb oo Caawa si weyn loo adkeeyay

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa caawa si weyn loo adkeeyay, waxaana halkaasi ka socda diyaar garowga soo dhaweynta Madaxda maamulada oo berri ku wajahan.

Ciidamo dheeraad ah ayaa ku sugan Xaafaddaha Magaalada, waxaana sidoo kale halkaasi ka socda howlgal weyn oo Amniga lagu xaqiijinaayo.

Wafdi ka kooban xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Maamulka Hirshabelle ahna Xubnaha Degmada Matabaan ku matala Hirshabelle ayaa gaaray Garoonka Diyaaradaha Guriceel.

Wafdigan ayaa hordhac u ah imaatinka Madaxweynaha Hirshabelle oo Ka qeyb galaya shirka maamul Goboledyada ee Ka dhacaya Dhuusamareeb .

Madaxweynaha Puntland ayaa ku sugan Magaalada Gaalkacyo oo uu kasoo ambabaxi doono maalinta berri ah.