Ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa howlgal kula wareegay degaanka Moqokori oo ka tirsan Gobolka Hiiraan , halkaasi oo ay gacanta ku haayeen dagaalyahanadda Al-Shabaab.
Sidda ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidamadda dowladda ee gobolka Hiiraan waxa ay saakay Weerar ku qaadeen degaanka Moqokori oo 40 KM u jira degmada Maxaas ee Gobolkaasi Hiiraan.
Ciidamadda dowladda ayaa waxa ay sheegeen in ay xalay fuliyeen howlgalka,islamarkaana hadda ay howlgallo ka degaankaasi.
Degaanka Moqokori ayaa waxaa gacanta ku haayay sanadyadii lasoo dhaafay dagaalyahanada Al-Shabaab.