Akhriso:-Taariikhda mas’uuliyiintii ku dhimatay qarixii Xarunta G/Banaadir

Mahad Cilmi Cali Guddoomiyihii degmada Waabari sidoo kale waxa uu ka mid ahaa dhallinyarada firfircoon.  Horay waxa uu u soo noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Galmudug.

Waxa uu ka mid ahaa dadkii ka soo shaqeeyay maamulkii Ximan iyo Xeeb,hayeeshee

bishii July ee sanadkii 2018 ayaa loo magacaabay guddoomiyaha degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Cabdifitaax Cumar Xalane, waxa uu ahaa Agaasimaha Nadaafada gobolka Banaadir,waxaa uu sidoo kale soo noqday saxafi waxa uuna agaasime ka soo noqday dhowr idaacadood oo ay ku jiraan Radio GoalFM, Radio Mustaqbal iyo Idaacadda maamulka gobolka Banaadir.

Xalane waxa uu sidoo kale soo noqday agaasimaha warfaafinta gobolka Banaadir iyo  Afhayeenka  maamulka Gobolka, ka hor intii aan loo magacaabin agaasimaha howlaha guud ee gobolka.

Bilowgii bishan July ayaa Cabdifitaax Cumar Xalane loo magacaabay agaasimaha waaxda nadaafadda ee gobolka Banaadir.

Xalane oo shahaaddada heerka koowaad  ee maamulka ka haystay jaamacadda SIMAD, ayaa ka mid ahaa dhallinyarada firfircoon ee dalka u shaqeynayay, waxa uuna maalmihii dambe u ku howlanaa dardargelinta howlaha nadaafadda iyo bilicda gobolka Banaadir.

Guddoomiihii degmada Shangaani Sahra Shiikh  Amiin Markeezi, waxa ay ahayd saxafiyad ka tirsan Warbaahinta Qaranka, gaar ahaan SNTV oo ay ka ahayd Filimqaade muddo ka badan 4 sano.

Sahro Aabaheed Sheikh Maxamed Amiin Markeezi waxa uu ka soo mid noqday masuuliyiinta farsamada Telefishanka Qaranka.

Sahra ayaa sanadkii 2018 loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka  degmada Shangaani, ka hor intii aan loo magacaabin guddoomiyaha degmada iyadoo intii ay joogtay ku soo kordhisay adeegyo muhiim u ah bulshada degmadaas.

Sahra Allaha u naxariistee waxa ay isbitaalka ugu geeriyootay dhaawac ka soo gaaray qaraxii ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Guddoomiyihii degmada cabdul Casiis Sabaax Cabdullaahi Asad Waxa ay ka mid ahayd dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka soo noqday qurbaha,waxaana Bishii April ee sanadkan loo magacaabay guddoomiyaha degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Inkastoo ay ku cusbeyd xafiiska haddana waxa ay ahayd gabadraad u firfircoon oo waqti badan galisa horumarinta degmada ay guddoomiyaha ka ahayd.

Allaha u naxariistee Sabaax waxa ay ka mid noqotay mas’uuliyiintii ku dhintay qaraxii ka dhacay Xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Xasan Maxamed Sabriye  waxa uu ahaa la taliyaha dhinaca sharciga ee guddoomiyaha gobolka Banaadir  Waxa uu sidoo kale ahaa sharci yaqaan khibrad dheer u leh arrimaha sharciga oo la soo shaqeeyay inta badan guddoomiyeyaashii gobolka Banaadir soo maray.

Waxa uu ka soo shaqeeyay dowladdii dhexe ee Soomaaliya gaar ahaan dowladda hoose ee Xamar,waxaama lagu sifeeyay in uu ka mid ahaa dadka ugu khibradda badan dhinaca sharciga iyo dowladaha hoose.

Xasan Maxamed Sabriye oo ahaa 70 jir, waxaa uu ku geeriyooday qaraxii xarunta maamulka gobolka Banaadir ka dhacay shalay Gelinkii dambe.