Akhriso: Natiijada Ciyaartii Kooxaha Bayern Munich & Chelsea

Kooxda Kubbadda Cagta ee Bayern Munich ee dalka Jarmalka ayaa xalay guulweyn ka gaartay Kooxda Chelsea,kadib markii ay kaga badisey 0-3 kulan kamid ahaa lugta hore wareega 16-ka tartanka UEFA Champions League.

Qeybta hore ee Ciyaarta labada Kooxood ayaa waxaa ay kusoo idlaatey 0-0,hayeeshee markii dib la isugu soo laabtey ayaa Kooxda Bayern Munich waxaa Daqiiqadii 51-aad kubadda Goolkii ugu horeeyey u dhaliyey Serge Gnabry, waxaana goolkaas ka caawiyay saaxiibkiis Robert Lewandowski.

Goolkii labaad ayaa Kooxda Bayern Munich waxaa Daqiiqadii 54-aad u dhaliyey markale Ciyaaryaahan Serge Gnabry ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 0-2.

Ugu dambeyn Kooxda Kubbadda Cagta ee Bayern Munich ayaa goolkii Saddexaad waxaa u dhaliyey Ciyaaryahan Robert Lewandowski ,waxana sidaasi ay guusha ku raacdey Kooxda Bayern Munich oo ku badisey 0-3.