Shiinaha oo sheegay in garoonka Boosaaso abuuri doono xiriir ganacsi oo Shiinaha la sameyso Somalia

Dowlada Shiinaha ayaa ka hadashay dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kaasi oo Shiinaha uu sheegay inuu gacan weyn ka geysanayo arimaha ganacsiga dalka Soomaaliya.

Shirkada CCECC ee laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa gacan weyn ka qaadatay dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, kaasi oo la sheegay inuu furi doono xiriirka ganacsiga toos ah oo dhexmara  Shiinaha iyo Soomaaliya.

Agaasimaha mashaariicda garoomada iyo ganacsiga ee dowlada Shiinaha ayaa sheegay in garoonkaasi sanadkii ay kasoo dagi karaan kana duuli karaan ku dhawaad 200,000 oo ruux oo rakaab ah.

Chen Wulin, agaasimaha mashaariicda garoomada Shiinaha wuxuu sheegay in uu la kulmay masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya ayna isla garteen in gacan weyn ka geysan doonaan kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, maadaama dalka uu kasoo kabsanayo muddo badan oo dagaalo sukeeye ah.

“Garoonka boosaaso waxaan fileynaa inuu doorweyn ka ciyaari doorka fududeynta ganacsiga u dhaxeeya Shiinaha iyo Soomaaliya, sidoo kale waxaan rajeyneynaa in dhanka maalgashiga iyo hal abuurka ganacsiga inuu doorweyn ka ciyaaro”ayuu yiri mr Chen Wulin.

Dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka qeyb qaatay 23 qabiiro Shiinees ah iyo 230 shaqaalo Soomaali ah.