Maxkamadda G/Shabellada Hoose ayaa maanta u fadhiisatay dhagaysiga Kiis Dil ah oo loo heysto eedeysane Maxamed aadan isaaq.
Fadhiga maxkamadda oo ay goob joog ka ahaayeen garsoorayaasha, iyo Xeer ilaaliyaha Guud Koofur Galbeed Somalia Mudane Adan Muqtaar Suuri iyo qareenada iyo ehellada labada dhinac ayaa si rasmi ah loogu bilaabay dhegeysiga 1 Kowaad Ee dacwadda
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Koonfur Galbeed ayaa maxkamadda horgeeyey faahfaahinta kiiska, isagoo soo bandhigay caddeymo iyo markhaatiyo ku saabsan eedda loo haysto eedeysanaha. Dacwadda ayaa si habaysan loogu akhriyey maxkamadda, waxaana la isla gartay in marqaatiyo dheeri ah lagu soo bandhigo fadhiyada xiga.
Garsooraha maxkamadda ayaa caddeeyey in maxkamaddu sii wadi doonto dhagaysiga kiiska, isaga oo xusay in muhiim ay tahay in la soo gudbiyo dhammaan caddeymaha sharciyeed ee kiiska khuseeya si loo gaaro go’aan cadaalad ah.
Fadhiga maanta ayaa kusoo dhammaaday iyadoo maxkamaddu dib u dhigtay dhagaysiga, waxaana la qorsheeyey in beri mar kale la isugu soo laabto si loo sii wado dhageysiga kiiska iyo soo bandhigidda caddeymo kale oo muhiim ah.



