Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Xildhibaannada labada Aqal

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta kulan Wadajir ah waxaa ay ku yeelanayaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, kaas oo Xildhibaannada uga doodi doonaan waxka bedelka Dastuurka.

Guddoonka labada Aqal ayaa Xildhibaannada ku wargeliyay in Maanta oo Arbaco ah u jiro Kulanka labada Aqal, isla markaana loo baahan yahay inay Xidhibaannada kasoo qeyb galaan, iyada oo ajandaha uu yahay.

Dib u eegista Dastuurka

Marxaladda 2aad

Ka dooddista Soo jeedimaha Wax- kabadalka Dastuurka

Cutubka 4aad

Matalaadda Shacabka, Doorashooyinka

Madaxa 1aad ilaa Madaxa 4aad

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa siweyn uga doodi doono qodobada waxka bedelka lagu sameeyay ee Dastuurka dalka oo ay kamid yihiin arrimaha doorashooyinka.