Saamaynta dhaawaca Kurt Zouma uu yeelan karo

Dhaawac halis ah ee Kurt Zouma ayaa ah dharbaaxo weyn oo soo wajahday Chelsea, ciyaaryahanada da’da yar u fiican ayuu kujiraa, waxaana uu sidookale seegi doonaa France oo ciyaaraya Euro 2016.

Waxaa, laga yaabaa fursado cusub oo labada daafac dhexe ee Chelsea ee asxaabtiisa ah ay heli doonana,John Terry iyo Gary Cahill ayaana hadda is garabsna doona.
Terry ayaa ku celiyay Axadii sida uu u jeclaan lahaa wada hadal uu kala sameeyo Chelsea heshiis cusub ,waxaana uu dhacayaa qandaraaskiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Chelsea oo haatan laba jibaari doonta dib u eegista dhawaca Zouma iyo inta uu kusoo kabsan karo,waxaana milkiilaha kooxdan Roman Abramovich inuu kooxda kasii mid ahaado 35-sano jir  kabtanka ah ee Terry.Kurt-Zouma
Cahill, ayaa Dhanka kale, waxaa la sheegay inuu ka tagi karo kooxda,kadib markii Zouma uu kala wareegay booska joogtada ah,si uu kaga fakiro booskisa Euro 2016 ayuuna Cahil uqadan karaa go,aankaasi.