ICJ oo ku dhawaaqday go,aan ku saabsan Dacwada Badda

Maxkamadda ICJ waxay hadda ku dhawaaqday in dhegeysiga dacwadda Soomaaliya ee ka dhanka ah Kenya ee soohdinta Badda ee labada dal uu billaaban doono Isniinta 15-ka bishaan Maarso, 3-da galabnimo wakhtiga Hague.

Wakhtiga dhegeysiga dacwadda oo ku bergan 5-ta galabnimo wakhtiga Soomaaliya, waxaa lagala socon karaa barta Internetka ee Maxakamadda oo toos u sii deyn doonta iyo TV-ga Internetka ee Qarammada Midoobay.

Maxkamaddu waxaa ay intaa ku dartay in xilligaa inta aan la gaarin ay shaacin doonto Jadwalka dacwadda oo faahfaahsan.