Zlatan Ibrahimovic Oo Garka Loo Galiyay Ganaax Sadex Kulan Ah

Xiriirka kubadda cagta FA-ga ayaa xaqiijiyay in weeraryahanka Manchester United Zlatan Ibrahimovic uu aqbalay ganaax sadex kulan ah kadib markii uu suxuleeyay Tyrone Mings.

Weeraryahankaan reer Sweden ayaa la xaqiijiyay inuu seegi doono kulanka Quarter Finalka FA Cup-ka ee Chelsea, sidoo kalana wuxuu seegi doonaa labada kulan ee horyaalka oo ay kooxdiisa la ciyaari doonto Middlesbrough iyo West Brom.

Zlatan wuxuu soo laaban doonaa kulanka ay kooxdiisa Old Trafford kusoo dhaweyn doonto Everton, 4-ta April, balse waxaad ogaataa inuu u ciyaaro karo United labada kulan ee Rostov.

Dhinaca kale Tyrone Mings ayaa racfaan ka qaadanaya ganaaxii la duldhigay, waxaana loo badinayaa in xidiga da’da yar uu ka badbaado ganaax madama muuqaalada dadka qaar ay u arkeen inuusan ulakac ugu istaagin Zlatan Ibrahimovic.