Zidane oo shaaca ka qaaday xilliga uu wada hadal la furi doono Neyrmar

Macalinka kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa sheegay xilliga uu wada hadal la bilaabi doono Neyrmar oo kooxd lala xeriirinayo, wuxuuna sheegay inuu xiriir la sameyn doono ka dib finalaha tartanka champions league.

Wararka ugu dambeyey ee todobaadkan kasoo baxaya xiddigan reer Brazil ayaa wada hadal shaqsi ah la galay kooxda Madrid.

Madaxweynaha kooxda Madrid Florentino Perez waxaa uu diyaar la yahay qiimo walba ee ku kacaya neymar kaasoo kooxda Barcelona ka doorbiday inuu ku biiro PSG aduun lacageed gaaraya €222million waa xiddiga ugu qaalisan dunida kubada cagta.

“uma socdo inaan wada hadal la sameeyo xiddigan kaasoo ku jirin xiddigaheena” ayuu saxaafadda ugu waramay ,manta oo jimco ah.

“waxaan haysanaa 10-maalin & labo kulan, ka dib arinkaas waxaan sameyn doonaa wada hadal ku aadan xiddigan waana la xeriiri doonaa”.