Home Caalamka Xuquuqda aadanaha Itoobiya oo la dhaliilay

Xuquuqda aadanaha Itoobiya oo la dhaliilay

SHARE

Warbixin cusub oo ay soo saartay Hay’adda xuquuqul insaanka ee Human Rights watch ayaa laamaha ammaanka ee dawladda Itoobiya ku eedaysay in ay laynayaan, jir dilayaan oo ay xirxirayaan boqolaal dibad baxayaal ah oo ku sugan gobolka Oromada.

Arrimahaas ayaa dhacayay afartii bilood ee u dambeeyay sida ay hay’addu sheegtay.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in dawladdu ay iyada oo awood adeegsanaysa ay muquunisay dad si nabad galyo leh u dibad baxaya oo mudaaharaadka bilaabay tan iyo bishii November ee 2015-kii.

Dadkaasi waxay ka soo hor jeedeen qorshe muran dhaliyay oo lagu balaarinayay caasimadda Addis Ababa.

Laakiin dawladdu waa ay beenisay warar kaasi.

Warbixintan waxay laamaha ammaanka oo ay millitarigu ku jiraan ku eedaysay ay si baaxadleh u bartilmaameedsadeen mudaaharaadayaasha Oromada.

Deegaanka Oromada ayaa ah gobolka ugu wayn dalka Itoobiya.

Mudaaharaadka waxaa dhaliyay cabsi laga qabo qorshe hormarineed oo magaalada Addis Ababa ah in uu baro kiciyo beerolay Oromo ah.

Dawladda ayaa markii dambe qorshahaasi dib u dhigtay laakiin waxaa sanadkan 2016-ka sii socda iska hor imaadyada laamaha ammaanka iyo mudaaharaadayaasha.