Xulka qaranka Soomaaliya xidigaha da’dooda ay ka yartahay 17-ka sano ayaa manta ciyaaraya kulankooda labaad waxay la ciyaari doonaan xulka sanadkaan tartanka marti galinaya ee Burundi Ciyaartoydoda da’dooda ay ka yartahay 17-ka sano.
Soomaaliya ayaa kulankii hore guul daro 3-1kala soo kulmeen xulka Ethiopia laakiin baaris dheer kadib, gudiga tartanka ayaa shaaciyay in dhibcihii ayaa lasiiyay xulka Soomaaliya, iyadoo Ethiopia lagu helay fadeexad dhanka xidigaha ah, oo ay ciyaarsiisay ciyaartoy ka weyn 17 sano.
Xulka marti galinaya tartankan ee Burundi ayaa kulankii furitaanka guuldaro xanuun badan iyana kala soo kulmay Kenya .
Soomaalyaa ayaana u baahan ugu yaraan bareejo ama guul si ay ugu soo baxaan wareega xiga ee tartankan.
Macalinka xulka Soomaaliya ayaa sameyn doona isbadalo dhanka xidigaha ah si uu guul uga helo xulka Burundi.
Kulankan ayaana soo gali doona sida uu qorshuhu yahay saacada geeska Africa 04:30, isagoona ka dhici doona garoonka Ngozi ee dalka Burundi.