Gudiga doorashooyinka Kenya ayaa waxa soo gaaray weji gabax weyn ka dib markii ay is casileen saddex ka mid ah xubnaha gudigu, kuwaas oo kala ah Consolata Nkatha, Margaret Mwanchanya iyo Paul Kurgat.
Is casilaadda xubnahani waxay ku soo beegantay iyada oo agaasimaha fulinta ee gudida, Ezra Chiloba, shaqada looga joojiyey eedaymo lagu sheegay musuq dhinaca wax soo iibsashada ah.
Roselyn Akombe oo sanadkii hore markii doorashada madaxtooyada lagu celiyey dalka ka baxsatay, ayaa sheegtay in gudidu aanay awood u lahayn in ay qabato doorashooyin xor iyo xalaal ah.
Dhacdaani waxay ka dhigaysaa in xubnaha haray ee gudiga doorashooyinku aanay qaban karin fadhiyo shaqo maadaama aanu kooramku dhamaystirnayn.
Maadaama oo Kenya ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed, way adkaan doontaa in si sahal ah loo buuxiyo jagooyinkaa ay iska casileen xubnahaasi.