Xilliga Liverpool ay dar dar galin doonto lasoo wareegitaanka Nabil Fakir oo la ogaaday

Waxaa la ogaaday xilliga sida rasmiga ah ee kooxda Liverpool ay u dar dar galindoonto lasoo wareegitaanka Nabil Fakir oo xilli ciyaareyd wanaagsan ku jira xili ciyaareydkan.

Liverpool, waxaa ay ciyaari doontaa Final-ka tartanka champions league iyadoona wajihi doonta kooxda Madrid kulan ka dhici doona Kiev.

Waxaa ay si rasmi ah u dar dar galin doontaa ka dib tartanka champions league finalahiisa markii ay ciyaarto sida laga soo xiganayo The Guardian.

Reds wali ma aysan helin badalka Philippe Coutinho tan iyo markii uu Barcelona ku biiray bishii January, xiddigan reer France waa midak koowaad ee diirada u saran suuqa kala iibsiga markii uu furmo, xiddigan qadka dhax eka ciyaara waxaa lagu qiimeeyaa 61 million, sidoo kale Lyon ayaa qiimo ahaan manta ku qiimeneysa 70 million aduun lacageed gaaraya.