Home Wararka Xildhibaanada oo ka hadlay Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka

Xildhibaanada oo ka hadlay Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka

SHARE

Muqdisho-RisaalaFM- Iyadoo maanta Magaalada Muqdisho ay ka dhaceyso Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya waxa ay ka hadleen doorashada.

Cismaan Cilmi Boqore Guddoomiyaha xilka ka tagaya marka Guddoomiye rasmi ah la doorto ayaa sheegay in Doorashada maanta goobjoog ay ka ahaan doonaan wakiilo ka socdo Beesha Caalamka.

Xildhibaanada Baarlamaanka ee Doorashada ka qeyb galaya ayaa dhankooda sheegay in Doorashada maanta ay noqoneyso mid ku dhacda si cadaalad ah oo dimuqraadiyad ay ku jirto.

Xildhibaan Aadan Isaaq Cali oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Doorashada maanta ay noqoneyso mid shacabka Soomaaliyeed ay ku farxi doonaan natiijada kasoo baxdo.