Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa si adag u difaacay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), kaddib weerar saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada gaar ahaan Twitter-ka ay Madaxweynaha uga soo qaadeen Kooxo Carbeed oo taageeraya Imaaraadka Carabta.
Inkastoo xildhibaan Mahad Salaad uu ka mid yahay xildhibaanada siyaasad ahaan dhaliilsan Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadana waxa uu u muujiyay is barbar taag, marka loo eego arrinta Imaaraadka.
Xildhibaanka oo bartiisa Facebooka soo dhigay qoraal kooban ayaa waxa uu ku sheegay in dowlado shisheeye ay ku xadgudbeen Madaxda dowladda, ayna ka dhigan tahay midnimada iyo madax banaanida Soomaaliya oo meel looga dhacay.
Dowladda Soomaaliya ayaa Todobaadkan u gudbisay fadhiga Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta warqad ay dacwo uga tahay Imaaraadka Carabta oo shirkad laga leeyahay heshiis Saddex geesood ah uga gashay Dekeda Berbera.
Shirkii Jaamacadda Carabta oo shalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Qaahira oo bayaan laga soo saaray ayaa waxaa ka mid ahaa qodobadii ka soo baxay in midnimada Soomaaliya ay tahay muqadas oo aanan lagu sameyn karin faragelin.
Qoraalka Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sidan u qornaa:-
Madaxdeena in dowlado shisheeye ku xadgudbaan waxay ka dhigantahay midnimada iyo madax-banaanida Soomaaliya oo meel looga dhacay !
Weerarka lagu hayo Madaxda Soomaaliya ee ka socda baraha bulshada (social media) ayna gadaal ka riixayso Dowlada Imaaraadka Carabta wuxu xadgudub labaad ku yahay madax-banaanida iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo inkstoo siyaasad ahaan aan dhaliilsanahay hadana waa Madaxweynihii dalka, maqaam iyo hab-maamuus gaar ah ayuuna leeyahay, wuxuuna astaan u yahay midnimada iyo qaranimada Soomaaliya sida ku cad qodobka 87aad ee Dastuurka KMG ah, in si shaqsi ah dowlado shisheeye ugu xad gudbaana waxay ka dhigan tahay sharafta, karaamada iyo madax-banaanida dalka oo meel looga dhacay. Mana aqbali karno in Dowlado shisheeye ay u gafaan madaxdeena iyaga oo ka tarjumaya dano liddi ku ah midnimada, madax-banaanida iyo dowladnimada Soomaaliya, waana inaan meel uga soo wada jeesanaa.