Wararka naga soo gaaraya degaanka Towfiiq ee gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa labo Maleeshiyo Beeleed.
Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa Risaala u xaqiijiyay in xiisaddaan ay taagneyd Maalmihii lasoo dhaafay.
Maalmo ka hor ayay aheyd Markii uu halkaasi ka qarxay dagaal u dhaxeeyay labo beelooda.
Qaar ka mid ah waxgaradka degaanka Towfiiq ayaa waxa ay sheegeen in ay waddaan dadaallo kala duwan oo lagu soo Afjaraayo Xiisadda halkaasi ka taagan .
Waxa ay sidoo kale sheegeen in dabley hubeysan ay weerar ku qaaday ceelbiyooda ku yaalla degaanka, islamarkaana ay burburiyeen.