Xidigaha Real Madrid ka tagaya xagaaga soo aadan ee suuqa

Kooxda Real Madrid ayaa maalinba maalinta kadambeysa waxaa sii kordhaya warar sheegaya xidigaha kategi doona iyo kuwa kusoo biiri doona marka uu dib ufurmo suuqa kala iibsiga xagaaga, haatan waxaa soo baxaya warar sheegaya in xidigo muhiim ah ay xagaaga kategi doonaan kooxda Real maadaama aysan boos joogta ah kahaysan shaxda macalin Zidane.

Wargayska kasoo baxa Spain ee MARCA ayaa boggiisa hore waxaa lagu daabacay in xidigaha kala ah, Isco, James Rodrigues iyo Alvaro Morata ay xagaaga soo aadan faarujin doonaan garoonka Santioago Bernabeu maadaama ay keyd kagaleen kooxda.

Hadii ay xidigahan doonayaan inay kusii nagaadaan kooxda Real, waxaa waajib ku ah inay xili ciyaareedkan kooxda kasaacidaan kuguulaysiga horyaalka La Ligaha Spain iyo Champions league inkastoo ay haatan kufashilmeen inay soo bandhigaan waxyaabihii laga filayay.

Kooxda Real Madrid ayaan xidigahan lafariisan doonin miiska wada hadalka ilaa ay boos joogta ah kahelaan shaxda koowaad ee kooxda, halka Alvaro Morata uu dagaal adag ugu jiro sidii uu booska ugala wareegi lahaa Karim Benzema, waxaana maalinba maalinta kadambaysa mustaqbalkiisa god dheer kusii dhacaya xidiga reer Colombia ee James Rodriguez.