Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Leicester City Gokhan Inler ayaa laga saaray xulka Switzerland ee loo magcaaabay Euro 2016 ka dib markii uu ku dhibtooday inuu saameyn ku yeesho,Dawacooyinka xilli ciyaareedkan.
Inkastoo kooxda Claudio Ranieri ay ku guuleysatay horyaalka Premier League, Inler ayaa saftay kaliya shan kulan waxaana uu ka dambeeyay N’Golo Kante iyo Danny Drinkwater oo doorka dhaxe fure u ahaa.
Inler, xilli kabtanka uu xulka qaranka ayaa qaab ciyaareed fiican ku heystay kooxda Napoli, waxaase hadda si layab leh uu isaga wayay xulka lasoo magcaabay.