DHAGEYSO: Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo ka hadlay Dhalinyarada ku xiran Hindiya

Muqdisho-RisaalaFM- Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dowladda federaalka Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay in ay Dowladda Hindiya kala hadleen sidii Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran halkaasi loogu soo celin lahaa Dalka si Dalkooda Hooyo loogu Maxkamadeeyo.

Dr. Axmed Cali Daahir Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran Dalka Hindiya ay xaq u leeyihiin in Maxkamadeeyo Dalkooda Hooyo, balse ayan Dowladda Hindiya xaq u lahayn in ay ka gaarto go’aanka kama dambaysta ah e ku aadan dambiyada loo haysto.

Wuxuu sheegay in Dowlada Hindiya ay is kula afgarteen in Dhalinyaradaasi dib loogu soo celiyo Dalkooda, sidoo kalena ay helaan nolol dhaanta mid ay hada ku heystaan xabsiyada Dalka Hindiya.

Dhowaan ayay aheyd markii Dowladda Hindiya ay ku dhawaaqday in Maxkamad ay soo taagii doonto 50 Dhalinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaas oo ay sheegtay in loo heysto falal la xiriira Burcad Badeednimo.