Xasan Rouhani oo cambaareeyay samaynta boliiska anshaxa

Madaxwaynaha Iran Xasan Rouhani ayaa si cad u dhaleeceeyay samaynta toddobo kun oo boliis oo dhar caadi ah labisan, oo ilaalinaya anshaxa dadka ee Tehran.

Shaqadooda ayaa waxay ka mid noqon doontaa inay soo sheegaan dumarka aan u xirnayn xijaabka sida sharciga uu dhigaayo.

Markii wax laga waydiiyay madaxweynaha boliiska anshaxa, wuxuu ku jawaabay, shaqada dowladda inay tahay inay dhowrto sharafta iyo dhaqanka dadka.

Wuxuu sheegay in Ilaahay siiyay bini’aadanka oo dhan sharaf, sharaftaas oo ka horaysay diinta.