Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa hada xarunta Ciidanka Cirka Afasiyooni ee Magaalada Muqdisho ka bilaabatay xaflada Caleemo Saarka Saarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).
Xarunta ay ka dhaceyso Munaasabadan ayaa waxaa ku sugan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geeelle, Madaxweynaha Kenya Uhuru kenyatta, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, Madaxweyne ku xigeenka Suudaan iyo xubno kale.
Sidoo kale Munaasbadan ayaa waxaa ku sugan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, oo halkaasi ka jeedin doona khubado koo kooban.
Munaasabadan ayaa waxaa la soo gaba gabeyn doonaa gelinka dambe ee maanta sida ay Risaala u sheegeen xubno ka mid ah Guddiga qaban qaabada xaflada Caleemo Saarka Madaxweynaha.
Ammaanka Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta ay ka dhaceyso xaflada Caleemo Saarka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana feejignaan dheeri ah ku jira Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka.