Home Wararka Xafiisyo cusub oo laga hi

Xafiisyo cusub oo laga hi

SHARE

Muqdisho-RisaalaFM- Guddoomiyaha degaanka Garasbaaley C/raxmaan Axmed Cali ayaa maanta oo Arbaco ah dhagax dhigay wajiga labaad xafiisyada laga hirgelinayo xarunta maamulka degaanka Garasbaaley, waxaana Munaasabadda dhagax dhigga ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay ujeedka arrintan in ay tahay in ay raad wanaagsan u sameyn uga tagi doonaan xarunta, wuxuuna tilmaamay in ay diyaar u yihiin u shaqeynta bulshada.

Guddoomiye Garyare ayaa sheegay in dhismayaasha xafiisyadan qarshka ku baxaya gaarayso lacag dhan 27,000 oo Dollar, isaga oo sidoo kale sheegay in xafiisyadan loogu shaqeyn doono bulshada qeybaheeda kala duwan.

“Ujeedka wuxuu yahay inaan balaarino maamulka, annaga digreeto ayaan ku nimid, mid kale ayaana ku bixi doonaa, raad fiican ayaan ka tagi doonaa, kuma abaal sheegan doono, waxaa geli doonto 27,535$, Hay’ad iyo shaqsi kale ma bixin doonto, annaga ayaa bixin dono, hadii xilka nalaga qaado xitaa waan bixineynaa, Garasbaaley adinka ayaa iska leh, qof walba ayaa loogu shaqeyn doonaa.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Degaanka Garasbaaley ayaa leh saldhigyo, xafiis, MC, Isbitaallo,Ceelal, Warshado, Jaamacado iyo Iskuulo, balse maamulkeeda ayaa dadaal ugu jira sidii uu u heli lahaa aqoonsi ah in loo magacaabo degmo.