Cadaado-RisaalaFM- Gudoomiyaha Baaralamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir, ayaa wuxuu sheegay in laga dhigay Xabsi guri oo loo diiday inuu ka baxo Madaxtooyadda Maamulka Galmudug isaga iyo masuuliyiin kale.
Cali Gacal Casir oo la hadlay Idaacadda Risaala, ayaa wuxuu sheegay markii horeba inuu deganaa Madaxtooyadda Galmudug, haddana la diiday inuu ka baxo, amarkaasina uu soo saaray Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf).
Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug wuxuu sheegay isaga, Madaxweyne Ku xigeenka Iyo Gudoomiye Ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug in laga wada dhigay xabsi guriga oo loo diiday wax dhaqdhaqaaq ah.
Cali Gacal Casir, ayaa sheegay inay u cabsoonayaan ammaankooda, maadaama ay dareemayaan halis ku aadan Qatar amni iyo handadaad loo jeedinaayo Madaxda Maamulka Galmudug.
Ciidamada ammaanka Madaxtooyadda Galmudug, ayaa amar siiyay madaxdaan inaysan ka bixi karin Madaxtooyadda Galmudug, haddii ay ka baxaan Madaxtooyadana ammaankooda aysan masuul ka aheyn ciidamada Madaxtooyadda.