Xaalada Maxaabiista Soomaaliyeed ee Seychelles

Seychelles-RisaalaFM- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa Xabsi ku yaalla Jaziiradda Mahe ee Jasiirada Seychelles ku booqday illaa 15 maxaabiis Soomaali ah oo halkaas ku xiran.

Maxaabiista ayaa ku xukuman sanado, kaddib markii ay maxkamad ku heshay dambi la xiriira burcad badeednimo, kuwaas oo laga soo qabtay Xeebaha Soomaaliya.

Yuusuf Garaad ayaa sheegay in mid ka mid ah maxaabiista ay u dhamaatay muddadii lagu xukumay, isla markaana la sii deyn doono bisha December ee dhamaadka sanadkan.

Akhriso Warbixin uu ka qoray safarkiisa Xabsiga iyo kulankii uu la qaatay dhalinyarada xabsiga ku jirto:-

Xabsi ku yaalla Jaziiradda Mahé ee dalka Seychelles ayaan ku soo booqday 15 Soomaali ah oo halkaa ku xiran.

Waxay ku xukuman yihiin sannado kala duwan ka dib markii lagu helay dembi burcadbadeednimo.

Waxaa laga soo qabtay xeebaha dalka Soomaaliya.

Mid ka mid ah oo ay u dhammaatay muddadii lagu xukumay ayaa bisha Disembar 2017 la sii deyn doonaa.

Inta kale waxaa u dhimman sannado xabsi ah, waxayna mas’uuliyiinta Seychelles diyaar u yihiin in isla bisha Disember 2017 ay ku wareejiyaan Dowladda Soomaaliya.

Dhallinyarada xabsiga ku jirta markii aan la kulmay iyada oo uu i wehliyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Seychelles, Danjire Barry Faure iyo Madaxa Xabsiyada Seychelles, Raymond Ange, waxay ii soo dhoweeyeen iina marxabbeeyeen si aad u diirran oo laga dareemi karo Soomaali-jacayl.

Inkatsa oo xorriyad la’aan iyo xukun dheer ay ku jiraan, haddana dhallinyarda kama muuqan ilgooyo iyo niyad jab toona.

Waxay ahaayeen dad ay oogadooda iyo hugooduba nadiif yihiin.

Lix hor leh

Inta ay xabsiga ku jireen waxay ku barteen af Ingiriis iyo xirfado dhowr ah.

Intaa ka dib waxaan booqday 6 dhallinyaro ah oo Soomaali ah oo ay ciidammada Midowga Yurub ee xeebta Soomaaliya ilaaliyaa ay ka soo qabteen aagga Degmada Marka ee Shabeellada Hoose, toddobaadkii hore, dalkanna ku xirnaa afar maalmood.

Waa dhallinyaro ku eedeysan burcadbadeednimo.

Waxay ku doodayaan in ay ahaayeen kalluumeysato.  Nimankaan wax hub ah laguma arag doontooda.  Waxay leeyihiin matoorka ayaa ka xumaaday doonta markaas ayay jihada ay doonto ula sabbeysay.

Markii aan is wareysannay iyada oo ay joogaan Mas’uuliyiinta Arrimaha Dibadda Seychelles, kuwa xabsiga iyo laba xubnood oo ah UNODC, ayaan qol gooni ah tegey oo aan mid mid u wareystay lixdaan nin ee dhallinyarada ah.

Faahfaahin badan hadda kama bixin karo.

Baaritaan ayaa ku socda.  Maxkamad ayaana la soo taagi doonaa.

Waxay ku soo xoomeen calanka Soomaaliya oo surnaa baabuurka la igu waday, iyaga oo ku dhawaaqaya – Soomaaliyeey toosa,  toosa oo isku tiirsada…

Maanta ayaan mar kale wadahadal la qaadan doonaa mas’uuliyiin sare oo dalkan Seychelles ah.