Gaalkacyo-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in caawa ay degan tahay xaalada Magaaladaasi.
Magaalada Gaalkacyo maanta waxaa ku dagaalamay ciidamo ka kala tirsan Maamullada Puntland iyo Galmudug, waxaana Dagaalkaas uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dhinacyadii Dagaalamay ayaa weli isku hor fadhiya Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, iyadoo caawa qeybo ka mid ah Magaalada Gaalkacyo laga maqlayo Rasaas goos goos ah.
Warbixin maanta ay soo saartay Qaramada Midoobay ayay ku sheegtay in Dagaalada Gaalkacyo ay ku barakaceen dad gaaraya 75 Kun oo qof.