Xaalada degaanka Xeraale oo saakay degan

Galgaduud-RisaalaFM- Degaanka Xeraale oo maalmihii la soo dhaafay xaaladiisa ay aheyd mid degan ayaa shalay gelinkii dambe waxa uu marti geliyay Dagaal u dhaxeeyay Maleeshiyaad degaanka ah iyo Ciidamo ka tirsan Ahlusuna.

Dagaalka oo soo gaaray ila xalay fiidkii ayaa waxa uu ahaa mid la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, saacado badana socday, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo soo kala gaaray dhincyada ay dirirta dhexmartay.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo degaanka Xeraala ayaa waxa ay sheegayaan in saakay xaaladu ay tahay mid degan, dhinacyadii dagaalayna ay weli is horfadhiyaan.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta Galmudug Mursal C/raxmaan Axmed oo la hadlay Risaala ayaa Dagaalkan ku eedeeyay maamulka Ahlusuna, wuxuuna sheegay in ay shacab la dagaalamayaan.

Dhanka Ahlusuna oo aan la xiriirnay si aan wax uga weydiino Dagaalkan ayaa waxa ay ka jawaabi waayeen wicitaankeena.

Odayaasha Dhaqanka ayaa weli wada waan waanta ku aadan in mar kale uusan Magaalada dagaal dhiig ku daata uusan ka dhicin.