Xaalada deegaanka Qeydara oo saakay degan

Qeydara-RisaalaFM- Iyadoo Labadii maalmood ee la soo dhaafay deegaanka Qeydara ay ka socdeen dagaal udhaxeeyay Labo Maleeshiyo beeleed ayaa saakay xaaladu waxa ay tahay mid degan.

Inta la ogyahay dagaaladii ka dhacay deegaanka Qeydara ayaa waxaa ku dhintay 10 ruux halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen dad kor udhaafaya 20 qof.

Dadkii ku dhaawacmay dagaalada ayaa waxaa la geeyay isbitaalada ku yaala magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado sida ay ku soo waramayaan wariyeyaasha halkaasi ku sugan.

Dadka deegaanka ayaa Idaacadda Risaala usheegay in saakay xaalada gooobihii lagu dagaalamay ay tahay mid degan.

Maamulka Galmudug ayaa ciidamo udiray goobihii lagu dagaalamayo, waxaana ay kala dhex galeen Labada Maleeshiyo ee halkaasi ku dagaalamay Labadii maalmood ee a soo dhaafay.