Wiil u dhalay Qaddaafi oo xabsiga laga siidaayay

Saif al-Islam Gaddafi, son of late Libyan leader Muammar Gaddafi, attends a hearing behind bars in a courtroom in Zintan May 25, 2014. REUTERS/Stringer

Wiil uu dhalay  hogaamiyihii hore ee dalka Libya Saif al-Islam Qadaafi ayaa laga sii daayay xabsi ku yaalla Koonfurta Liibiya Sida ay shaacisay koox ka mid ah kuwa ka dagaalama dalka Liibiya.

Zintan Saif al-Islam Qadaafi  ayaa la xiray Sanadkii 2011-kii, Waxaana uu u xirnaa Koox ka mid ah dagaalyahanada dalka Liibiya.

Ciidamada Abu Bakr al-Siddiq oo ah maleeshiyaad maamula  Koofurta dalka Liibiya ayaa xaqiijiyay in ay siidaayeen  Zintan Saif al-Islam.

Muddo ku dhow 7 Sano ayuu ku jiray gacanta Kooxdaasi Saif oo ah 44 sano jir ahaana Carruurta  uu dhalay Qaddaafi kan ugu saameynta badan.