Wargeyska Bild ayaa sheegay in Arsenal ay diyaar u yihiin in ay dib-u-soo celiyaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee hore ugu soo ciyaaray kooxdan da,yarteeda Havard Nordtveit,
Xiddigan Norwegian ah ayaa ka tagay Gunners 2011 , waqtigaas oo uu ku biiray kooxda Bundesliga ee Borussia Monchengladbach.
Nordtveit ayaa ku guuldareystay inuu hal kulan u safto kooxda koowaad ee Gunners isagoo Haugesund kagasoo biiray sanadkii 2007,
laakiin hadda ayaa laga yaabaa inuu ku laabto Emirates Stadium, iyadoo Arsene Wenger uu isha ku hayo inuu xoojiyo qadkiisa dhexe.
Xiddigan 25-sano jirka ah, ayaa sidoo kale ka ciyaari kara daafaca dhexe, waxaana qandaraaskiisa uu dhacayaa xagaagan, iyadoo Bild ay sheegtay in kooxda waqooyiga London ay diyaar u tahay saxiixan.