Weerarkii Isbitaalka Suuriya oo aad looga xumaaday

Dowladaha Turkiga iyo Faransiisaka ayaa sheegay in duqaymihii xagga cirka ahaa ee lagu qaday isbitaallo ku yaala waqooyiga dalka Suuriya in ay ka dhigantahay dambiyo dagaal.

Ilaa konton qof ayaa ku dhintay gantaalo ku dhacay iskuullo iyo isbitaallo sida ay Qaramada Midoobay sheegtay.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa Ruushka ku eedaysay weeraradaasi, laakin wali Ruushku kama uusan jawaabin eedaymahaasi.

dhanka kalana Madaxweynaha Suuriya, Bashaar Al-Assad, ayaa waxa uu shaki ka muujiyay in la dhaqangelin karo xabbad joojinta la soo jeediyay in dalkaasi ay ka hirgasho xilli dambe oo todobaadkan ah.

Xabbad joojinta ayaa waxaa isku raacay quwadaha caalamka ee ka qeyb galayay shirkii ammaanka ee todobaadkii la soo dhaafay lagu qabtay magaalada Munich, hasayeeshee Madaxweyne Assad ayaa sheegay in xabbad joojinta aanay macnaheedu ahayn in dhinacyada ay joojiyaan isticmaalka hubka.

Khudbad uu taleefishinka ka jeediyay ayuu ku sheegay in ujeedka xabbad joojintu ay noqoto mid xasiloonni lagu abuuro misana lagu joojiyo waxa uu ugu yeeray argagxisada sii xoojisanaysa aagga ay joogaan.

Madaxweyne Assad ayaa sheegay in Turkiga iyo Sucuudiga aanay awood u lahayn in si wax ku ool ah ay ciidamo ku soo galiyaan gudaha Suuriya.

Qaramada Midoobay ayaa waxa ay cambaaraysay duqeymihii cirka ee Isniintii lagu qaaday dhowr isbitaal iyo iskuullo ku yaal waqooyiga Suuriya, weerraradaasi oo la sheegay in lagu dilay ku dhawaad 50 qof.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon, ayaa sheegay in ay taasi aheyd xadgudub cad oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah.

Dhanka kale wararka ka imanaya waddanka Suuriya ayaa sheegaya in ciidammada ay horkacayaan Kurdiyiinta ay fallaagada Islaamiyiinta ka qabsadeen magaalada Tel Rifaat.

Dadka la socda arrimaha Suuriya ayaa sheegay in xooggaga ay baritaarayaan Kurdiyiinta ay u suuragashay in ay qabsadaan magaalada inkastoo ay jiraan duqeymo ay halkaasi ku hayaan ciidammada Turkiga ee jooga dhanka kale ee xadka.