Ciidamada Boosliiska dalka Faransiiska ayaa xaqiijiyay in nin toorreey sitay uu dhowr qof oo waddo marayey ku toorriyeeyey bartamaha magaalada Paris.
Booliska waxa ay sheegeen in Weerarkaasi uu ku dhintay hal qof dhowr kalena dhaawacmeen.
Taliyaha Ciidamada booliska Paris ayaa sidoo kale sheegay in ninkii toorrayda ku hubaysnaa ay toogteen.
Waxaa uu weerarkaan ka dhacay halka lagu magacaabo Opera area.
Dad goobjoogayaal ah ayaa kusoo warramaya in la arkayey xaalad murugo leh, iyo qaylada dad barooranaya iyo sidoo kale dhawaqa rasaasta.
Wali si rasmi looma xaqiijin karo aqoonsigga Ruuxa weerarka geystay iyo Baaxadda Khasaaraha.