Hargeysa-RisaalaFM- Iyadoo weli xiisad ay ka taagan tahay degaanka Darar-weyne ee hoostaga degamada Ceel Afweyne ee gobolka Sanaag shalayna ay Xukuumadda Somaliland ciidamo u dirtay maleeshiyo beeleed ku dagaalamaya halkaas ayaa qaar kamid ah salaadiinta Somalialand waxay xukuumadda Somaliland ku eedeyeen inay faragelin ciidan ku heyso dagaalkaas
Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo ah Suldaanka Beelaha Somaliland ayaa xukuumadda Somaliland ku eedeeyay in mid ka mid ah Beelahaas ay taageero Militari siineyso isigoo uga digay arrintaas.
Waxa uu sheegay Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir hadii xukuumadda ay faraha kala baxdo in ay hashiinayaan belahaas, nabadna ay ka dhex dhalaneyso.
Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedyada, wuxuuna sheegay in marnaba aanan loo baahneyn in la daadiyo dhiig.